Nin loo xiray inuu qorsheynayay weerar argagixiso

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qabatay nin qorsheynayay in uu weerar Argagixiso ka geysto Gudaha Mareykanka, islamarkaana ay caddaaladda horkeeni doonto.

Nin horey uga tirsanaa ciidamadda badda ee Mareykanka ayaa lagu xiray magaalada San Francisco isagoo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay inuu geysto weraar argagixiso maalinta ciida masixiyiinta.

Everitt Jameson Waxaa u qorsheynaayay in uu bartilmaamedsado goob mashquul ah oo badanaa ay tagaan dalxiisayaasha, isagoo ay dhiira gelinaayan baa la yiri kooxda iskugu yeerta dowladda Islaamiga.

Nin lagu sheegay magaciisa Everitt Jameson oo 26 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu doonayay inuu adeegsado walxaha qarxa si uu ugu bartilmaameedsado goob ay dadku ku badan oo loo yaqaano Pier 39, halkaasi oo ah mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee loo dalxiis tago ee ku taalla magaalada San Faransisco.

Sida ay muujiyeen waraaqo maxakmadeed ,Jameson ayaa si taxadar la’aan ah umuujiyay qorshayaashii waxa uuna u sheegay hay’ada mukhaabaraatka FBI-da inuu rumeysan yahay inuu yahay hoggaamiye sare oo ka mid ah kooxda isugu yeerto dowladda Islaamka ee IS.