Wararka ka imaanaaya deegaanka Gaalyeeel oo hoos taga Degmadda Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaaya in halkaasi xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Cilmi iyo xaaskiisa oo la sheegay in ay ku sugnaayeen hal goob.
Sidda ay tilmaamayaan wararka aan helayno waxaa goobta ka baxsaday dablaydii falka geesatay oo ilaa hadda aan haybtooda rasmiga aan la hayn.
Dilkan ayaa la xiriira aano qabiil, waxaana wararku ay tilmaamayaan in Ninka iyo Xaaskiisa hadda maydkooda la geeyay Degmadda Godin-bale oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud, si halkaasi loogu Aaso.
Degaanka Gaalyeel muddooyinkii la soo dhaafay kama jirin wax colaad beeleed ah walow inta badan marar qaar ay ku soo laab-laabateen Colaadaha sokeeye ee ka dhex jirta inta badan Bulshada wadda degta Gobolka Galgaduud.
Xaaladdaan ayaa kusoo aadaysa xilli inta badan beelaha wada dega Galmudug ay ka dhexjiraan colaadaha sokeeye, iyada oo Madaxda Galmudug ay ku fashilmeen waxka qabashada dagaal Beeleedyada, kuna mashaquulsan yihiin Olole doorasho.



