Saddex qof ayaa ku dhimatay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob raashin laga qeybinaayay degmada Caabudwaaq.
Ninka Rasaasta furay ayaa waxa ay la sheegay in uu ka carooday qaabka wax loo qeybinaayo.
Qof ka mid ah dadka degaanka oo Magaciisa ka gaabsaday in warbaahinta loo adeegsato ayaa Risaala u sheegay in ninka xabadaha furay uu watay Gaarigii cuntada lagu qaadanaayay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan dadkii goobta raashinka lagu qeybinaayay dhoobnaa.
Mas’uuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay Falkaasi.


