Warbaahinta dalka India ayaa baahiyay dhacdo ku cusub dalkaasi taasoo ah nin in uu gubay gabadh uu aad u jeclaa.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada ku taalla koofurta India ee Hyderabad.
Sandhya Rani oo ahayd 25 jir ka shaqaynaysay qeybta soo dhoweynta ee shirkad magaaladaas ku taalla ayaa gurigeeda ku sii jeeday markii la weeraray abaarihii makhribnimadii Khamiista sida ay booliska sheegeen.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen ninkii falkaasi ka dambeeyay oo lagu magacaabo Karthik Vanga, waa 28 jir ay gabadha hore u wada shaqayn jireen.
Dad ayaa gabadhaas isbitaalka ula cararay, hase yeeshee intii la sii waday ayey dhimatay.
Khamiistii markii uu la kulmay ayaa la arkay labadooda oo murmaya ka hor intii uusan ninkaasi la soo bixin daasad uu gaas ku jiray, isagoo ka dibna inta ku shubay dab qabadsiiyey sida ay boolisku sheegeen.
Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ayaa India ku soo badanayey tan iyo 2012, waxayna keeneen in xukuumaddu soo saarto shuruuc adag oo lagu dhaqo dambiyadaas.



