N’Golo Kante Oo Magacaabay Sadex Xidig Oo U Qalma Iney Ku Guuleystaan Xidiga Sanadka EPL-ka

N’Golo Kante ayaa magacaabay sadex xidig oo uu aaminsan yahay iney si daran ugu qalmaan abaalmarinta xidiga sanadka horyaalka Premier League-ga in ka badan isaga.

Burburiyaha Blues ayaa la aaminsan yahay haatan inuu yahay kan ugu mudan ee loo caleemo saari karo abaalmarinta PFA Player of the Year ee xili ciyaareed walba la bixiyo.

N’Golo Kante wuxuu si layaab leh horyaalka Premier League ugu qaaday Chelsea xagaagii lasoo dhaafay, hadana wuxuu qarka u saaran yahay inuu la hanto Chelsa .

“Waxaa jira ciyaartoy dhawr ah oo u qalma iney ku guuleystaan abaamarinta”

“Waxaa kooxdeyda ku jira Eden Hazard, Diego Costa iyo David Luiz” Ayuu yiri N’Golo Kante oo u waramayay Canal+

Si kastaba Eden isna wuxuu ku raaxeysanayaa waqti qurux badan taasoo keentay in Real Madrid aad loola xiriiriyo, sidoo kalana David Luiz ayaa isna qaab ciyaareed layaab leh soo bandhigay xagaagan.