NATO oo la safatay Mareykanka

Xoghaya guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa cambaareeyey weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada Maraykanka xakay.

Waxaa uu sheegay in ay aad iyo aad uga xun yihiin tilaabadda ay qaaday Iraan, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan helida Xal wax ku ool ah.

Waxaa uu  Iran ugu baaqay inay colaad hor leh ka fogaadan.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in jawaabta ugu dambaysa ee dilkii Sulaymaani ay tahay “in ciidamada Maraykanka laga saaro gobolka oo dhan.”