Sidii la filayay, ciyaarta ayaa ku bilowatay si xawaaro labada dhinac leh waxaa si firfircoon u ciyaartay kooxda White Hart Lane, oo sadex jeer fursad ay ku heleen albaabka xerada ganaaxa lakiin waxaa iska diiday ciyaartooyda Arsenal.
Waqti badan kuma qaadan In ciyaaryahankii ugu horeeyay Arsenal jaaale ka qaato uu noqday Coquelin, kasoo qalad toos ah ku galay Kane, lakiin tabaraha france ayaa dhacdadaasi ka qeyliyay.
Hector Bellerin iyo Erik Lamela ayaa sidookale jaaloouin loo taagay kulankaan London derby ,iyadoo ciyaartooy dagaal badan ay ciyaarayeen.
Arsenal! Ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 39-aad ,markii gool quruxda badan oo uu kasoo shaqeeyay Welbeck uu sii taabtay Bellerin, laakiin markii danbe waxaa si qurux badan u dhameystiray Ramsey!
Xiddiga reer Wales ayaa shabaqa ugu riday kubadda qaab cirib ah ,waxaana uu ahaa gool qurux badnaa.
Tottenham ayaa dadaal badan u gashay sidii ay isaga soo celin laheyd goolkaasi ,qeybta hore ee ciyaarta, lakiin uma suurta gelin waxaana ciyaarta qeybta hore ay kusoo dhamaatay 1-0 , oo ay ku hhogaamineysay kooxda Arsenal.
Tottenham ayaa sii xoogan usoo laabatay qeybta labaad ee ciyaarta , waxaana ay sameeyeen dadaalo ay kusoo barbareyn kareen ciyaarta.
Mid ka mid ah fursadihii ugu fiicnaa ayuu abuuray Pochettino waxaana isku dayay Walker iyo Rose lakiin waxaa dul istaagay goolhayaha Gunners.
Coquelin ayaa casaan lo taagay Arsenal! Wuxuu khalad ku galay Kane ,waxaana Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal la siiyay roose ay ka naxeen taageerayaasha!
Tottenham ayaan dhalisay goolka barbaraha! 60 daqiiqo waxaana ay ahaa gool ay u baahnayeen xiddigaha kooxda Tottenham.
Spurs! Ayaa dhalisay gool kale oo muhiim ahaa kasoo uu dhaliyay Harry Kane! Mertescaker ayaa ku guuldareystay inuu la macaamilo kubad oo u dhawyed,lakiin Alli ayaa ku Guuleystay inuu si wanaagsan kubadaasi ugu dhaqaajiyo Arsenal.
Arsenal ayaa sameysay dadaalo badan oo ay kusoo barbareyneyso ciyaarta , waxaa badel lagu keenay weeraryahanka France Giroud ,kasoo wax badan ka bedelay ciyaarta.
Arsenal! ayaa waxaa gool Barbara ah u dhaliyay Sanchez iyadoo! Giroud uu saameyn degdeg ah ku yeeshay ciyaaarta, Alexis! Ayaa kubadda si geesinimo le u dhaafiyay goolhaye Lloris !
labada dhinac ayaa halkooda kasii waday weerarada isdaba jooga ah oo ay sameynayeen,lakiin labad koox ayaa ku dhibtooday inay dhaliyaan goolal kale.guu ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2.