Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug.
Maxamuud Jaamac Diirshe (Maxamuud Farey) ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoonka la dilay, waxaana dilka u geystay koox ku hubeysan Bastoolado.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, marka ay baxsadeen raggii Bastooladaha ku hubeysnaa ee dilkaasi gaystay.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa walaac ku abuuray dilka Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe (Maxamuud Farey), maadaama uu ahaa Oday si weyn looga garanayay halkaasi.
Dilka Nabadoon Farey, ayaa ku soo beegmaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka soo reynayay amniga Waqooyiga Gaalkacyo, oo Puntland ay maamusho.


