Roobab xalay ka Da’ay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho xalay saqdii dhexe waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.