Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa war murtiyeed ka kooban 9 qodob ka soo saartay wada hadaladii Galmudug iyo Ahlusuna.
War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu sheegay in labada dhinac Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, islana qaadaan wax qeybsi siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo is tixgelin.
Sidoo kale waxaa qodobada war murtiyeedka ka mid ahaa in Galmudug ay qabsato Doorashada Madaxweynaha xilligii lagu balamay oo ku beegan 30-ka bishan,.
Waxaa kaloo war murtiyeedka lagu sheegay in marka la doorto Madaxweynaha Galmudug in la isugu yimaado dhameystirka wada hadalka iyo dhaqan gelinta heshiis siyaasadeed oo dhex mara labada dhinac iyo awood qeybsi buuxa laga dhigo wada hadalka kaddib.
War-mutiyeedka laga soo saaray wada hadaladii Galmudug iyo Ahlusuna waxaa warbaahinta u aqriyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.




