Nabadoon Caan ahaa oo u geeriyooday dhaawac loogu geystay Kismaayo

Waxaa Magalada Muqdisho Maanta ku geeriyooday Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddiga la magac baxay badbaadada Jubbaland,kaas oo kooxo huebeyssan ay ku dhaawacmeen horaantii Bishii September ee sanadkaan Magalada Kismaayo ee G/Jubabda Hoose.

Abuukaate Axmed Jaamac ayaa Magaalada Muqdsho maalmihii la soo dhaafy lagu dabiibayay Isbitaal ku yaalla,kadib markii rag hubeysan ay goob maqaaxi ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo ku dhaawac culus ugu geysteen 13-kii September.

Sidoo kale waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga yaqaano deegaannada jubbaland,isla markaana dhaliili jiray Siyaasada Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,sidoo kalena diidanaa doorashadii ka dhacday Magalada Kismaayo.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ah Xubnaha la Magac baxay badbaadada Jubaland ayaa xaqiijiyay geerida Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar,isaga oo uga tacsiyadeeyay ehelada uu ka geeriyooday.

Si kastaba majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu dhaawacay guddoomiyihii guddiga la magac baxay badbaadada Jubbaland 13kii Bishii September ee sanadkaan,kaas oo dhaawicii soo gaaray uu Maanta u geeriyooday.