M/weyne Sh. Maxamed Shaakir oo baaq u diray Baarlamaanka Ahlusuna

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlusuna ayaa waxa uu sheegay Baarlamaanka maamulkaas in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga, iyaga oo la shaqeynaya Ciidamada Ahlusuna ee ka arimiyaha magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel.

Hoggaamiyaha Ahlusuna oo ka hadlay furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheeagay in xildhibaanada doorkooda uu aad u liito oo ay ku leeyihiin dhanka amniga, loona baahan yahay in ay sare u qaadaan.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ayaa sheegay muhiim in ay tahay amniga ka jira degaanada maamulka Ahlusuna in uu noqdo mid la isku haleyn karo.

“Waxaan isku boorineynaa inaan ka wada qeyb qaadano amniga, naftiina waxaad u tihiin Ciidanka oo kale, aad iyo aad qodobkaasi waa muhiim, marka amniga uu sugnaado Waxbrashada, Caafimaadka iyo waxyaabo kale ayaa la helayaa.” Ayuu yiri Sh. Maxamed Shaakri.

Maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlusuna ayaa waxa ay ka arimiyaan magaaloyinka Dhuusa-mareeb, Guriceel iyo degaano kale oo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana inta badan ay soo bandhigaan Ciidamo hubeysan oo ay sheegeen in ay xaqiijiyaan ammaanka.