MW XASAN SHEEKH”Ma ogin waxa uu Trump la imaan doono, wax xun kama filayno, balse Waxa jira dad ku dhow Trump oo doonaya in uu Somaliland aqoonsado”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo waraysi uu siiyay wargayska caanka ah ee washington post ayaa sheegay in ay jiraan dad ku dhow Madaxweyne Donald Trump oo doonaya in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jiraan dadaallo ka socda Maraykanka oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado.

“Xiriirka wanaagsan ayaanu waligay la lahayn Maraykanka. Ma ogin waxa uu maamulka Trump la imaan doono, balse wax xun kama filayno. Waxa jira dad ku dhow Trump oo doonaya in uu Somaliland aqoonsado,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo aqoonsiga Somaliland. Isagoo sharaxaya taariikhda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriisku ilaaliyo, halka Soomaaliya uu Talyaanigu gumaysan jiray, balse ay midoobeen 1960-kii iyagoo ku midowbay magaca Jamhuuriyadda Soomaalida.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in Maraykanku door muhiim ah ka ciyaaray taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka Al-shabaab.

“Taageerada milateri ee Maraykanka iyo tababarada la siiyo ciidanka Soomaaliya waxay naga caawiyeen inaan dib u dhisno awooddeenna amniga. Waxaan filayaa in xukuumadda Trump ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada si loo xaqiijiyo nabadda gobolka.” Ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh: Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waa kuwa nagu caawiyay sidii aan u xaqiijin lahayn ammaanka. Ujeeddada Soomaaliya waa in mustaqbalka ay yeelato ciidan qaran oo si buuxda u sugi kara ammaanka dalka, si aanan ugu baahnayn ciidamo shisheeye. Laakiin inta aan taas gaarayno, waxaan u baahanahay taageerada caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyey in xasilloonida Soomaaliya ay dani ugu jirto beesha caalamka. “Al-Shabab waa laan ka tirsan Al-Qaeda, waxayna leeyihiin yoolal caalami ah. Dagaalkeenna wuxuu xakameynayaa ballaarinta shabakaddooda Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri.