Diyaarado Drone ah oo caawa lagu arkay agga madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa rasaas ku riday diyaarado Drone- ah oo u soo dhawaaday xarunta madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka shakiyeen diyaaradaha Drone-ka, maadaama ay garan waayeen cida iska leh iyo ujeedka taasina ay keentay in ay rasaas ku fureen.

Dadka ka agdhow xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in ay arkeen ila laba diyaarad Darone ah oo rasaas xooggan ay ciidamada u adeegsanayaan.

Hay’adda duulista Soomalaiya ayaa hore uga digtay diyaarado Darone ah oo halis gelin kara amniga goobaha Muhiimka ah re Muqdisho.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.