madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay sii-hayaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobe ee Soomalaiya James Swan.
madaxweyne Shariif ayaa yiri:
“Waxaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan.
Waxaan kulankeenna uga wada hadalnay arrimo badan gaar ahaan siyaasadda, hannaanka doorashooyinka oo si weyn la isugu khilaafsanyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay doorasho heshiis lagu yahay islamarkaana haysata sharciyad.”
madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu tun wayn mucaaradka dowladda ee diidan qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada qof iyo cod.



