Maamulka Puntland ayaa ciidamo dheeri ah oo ku biirisay dagaalka kooxda Daacish ee ka socda Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari, maadaama todobaadkan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.
Ciidanka ayaa loo qaaday furimaha hore ee dagaalka, si ay u qaadaan gulufkii ugu cuslaa ee la doonayo in kooxda Daacish looga saaro godadka ay kaga jiraan buuraha gobolka Bari.
Ciidamadan oo ku gaashaaman Hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ayaa si toosa qeyb uga noqonaya wejiga labaad ee hawlgalka lagu soo afjarayo dagaalameyaasha Daacish oo weli ku go’doonsan godad ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalkan ayaa noqon doono midkii ugu cuslaa la doonayo in Daacish looga saari godadka iyo meelaha ay kaga sugan yihiin buuraha ku yaala gobolka Bari.
Ciidamada loogu tala galay howlgalka wejiga labaad ayaa gaaray buuraha Calimiskaad ee gobolka Bari.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sheegay in jiho kasta laga go’doomiyay kooxda Daacish, islamarkaana ay dowladdu qorshaysay in ay noqdaan wax dhinta iyo wax la qabtay, kaddib markii dagaalku bilowdo.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka Daacish uu qaadan karo wakhti ka yar mudadii uu socday wejigii kowaad ee dagaalka oo bilowday horraantii bishaan Jannaayo ee sannadkan 2025.



