MW Xasan Sheekh “Waan ugu tagaynaa dadka meelkasta oo ay joogaan si talo qaran loo helo”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe ku dooneyso in ay ku xalliso khilaafaadka siyaasadeed ee xiligan taagan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ka go’an tahay in la qabto shir wadatashi qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin in ay la tashadaan dhammaan qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta, meel kasta oo ay joogaan.

“Dadka waa la wada tashaneyna, meelkasta oo ay joogaan ayaan ugu tageyna, balse waxaan dooneyna in taladaasi ay ku jirto niyad-samaan iyo talada Soomaaliya in ay ku jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan ka daalin dadaallada ku saleysan midnimo, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay. Wuxuu tilmaamay in la rabo in Soomaaliya ay noqoto dal dhinac kasta ka socda, oo ay shacabka oo dhan si siman uga qeyb qaataan dhismahiisa.