Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo doorasho qof iyo cod ah
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay beesha Caalamka aysan ka aqbali doonin doorasho dad badan ayaa laga qabanayaa dalka, taasi badelkeeda waxay ku qanci karaan oo keliya waa doorasho toos ah oo ah qof iyo cod.



