Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo “NISA” ayaa xalay shaacisay, in duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay, horjooge ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee kooxda.
Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay, in Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Ceelbacad ee degmada Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale waxaa duqeyntan ka hadlay Afhayeenka wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya Sheekh Abuukar waxaa uuna xaqiijiyay in la khaarijiyay horjooge Yuusuf Dhagnaas iyo xubno kale oo marti u ahaa.




