Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si cad u taageeray xaqa Itoobiya ay u leedahay ka faa’iidaysiga iyo dhismaha biyo-xidheenka weyn ee GERD, arrin si weyn uga hor imanaysa dowladda Masar.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka mashruuca ayaa sheegay in khayraadka biyaha uu dal walba xaq u leeyahay inuu si sharci ah uga faa’iideysto, isagoo hoosta ka xarriiqay in biyuhu ay dalal badan u yihiin nolol, halka kuwo kalena ay uga faa’iidaystaan koboc dhaqaale iyo tamar.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in arrinta webiga Nile lagu wajaho is-ixtiraam iyo dheelitir, halkii la isku hor istaagi lahaa horumarinta iyo adeegsiga khayraadka dabiiciga ah.
“Waxaan nasiib u helnay in biyo-xidheenkan weyn uu noqdo mid iftiin iyo koronto siin doona faca iyo carruurta soo socda,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo si weyn u bogaadiyay dadaalka Itoobiya ee dhismaha mashruuca.



