Muxuu yahay Ajandaha Shirka ka furmaya Nairobi ?

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan Shir looga hadlaayo arimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Ajandaha Shirkaan ayaa wuxuu yahay mid ku saabsan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka ku bahoobay Urur Goboledka IGAD, waxaana ka qayb galaya Xubnaha IGAD.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo weli xilkaasi aanan wareejin, ayaa sheegay Ajandaha Shirka Maanta ee IGAD, Madaxweynaha uu ka qayb galaayo in arintaasi looga hadlaayo.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ayaa ku sugan Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya.” Ayuu yiri Hadliye.

Shirkaan qabashadiisa ayaa lagu balamay, xilligii madaxda IGAD ay ku shirayeen Magaalada Muqdisho Bishii Septmeber ee sanadkii hore, xilligaasi oo talada uu hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.