Muxuu Modric ka yiri bandhiggii Messi kullankii Argentina vs Croatia ?

Laacibka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ayaa diiday in la dhaleeceeyo laacibka Argentina ee Lionel Mess.

Modric iyo xulkiisa ayaa cardaadiqo ka dhigay xulka uu hooggaamiyo Messi iyo Argentina, iyadoo uu noqday xiddiggii ugu wacnaa garoonk laacibka Real Madrid.

32-jirkan ayaa Messi ku tilmaamay mid cajiib ah oo aan lala loollami karin, balse uusan keligii wax qaban karin.

Sidoo kale waxa uu Modric ka dhawaajiyay in Messi uu keligiis ahaa garabna uusan ka helin ciyaartoyda kale ee Argentina.