Taliyaha ciidanka Xoogda dalka Turkiga General Metin GÜRAK ayaa maanta Muqdisho soo gaaray.
Taliyaha waxaa garoonka diyaarada kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.
Taliyaha ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Safarka Taliyaha ciidanka Turkiga hore looma shaacin lkn wuxuu imaanayaa xilli la filayo inuu madaxweynaha Turkiga uu booqasho rasmi ah ku yimaado Muqdisho.



