Wararka ka imaanaya galbeedka Gobolka Sool ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC Khaatuma uu xiligan ka soconayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogaysa uu ka soconayo deegaanada Buqdharkeyn iyo Yeyle eek a tirsan gobolka Sool.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsanaya, iyadoona la soo werinayo khasaare xooggan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Deegaanka Buqdharkayn oo ay hore uga dheceen dagaallo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka mid ah meelaha maalmihii ugu dambeeyay ay dhinacyada ciidamo badan ay geynayeen.
Goobtani waxay qiyaastii 180 kilomitir dhanka woqooyi galbeed kaga began tahay magaalada Laascaanood.
Sidoo kale dhiniacyada dagaalamaya ayaa marba marka ka dambeysa waxaa soo gaaraya ciidamo gurmad ah, kuwaasi oo ku biiranaya dagaalka ka socda deegaano ka tirsan Glbeedka Gobolka Sool.
Dagaalka maanta ayaa yimid kadib muddo ay daganaayeen deegaanada ay isku hor fadhiyeen ciidamada labada dhinac, kuwaas oo dagaallo joogto ahi dhexmarayeen labadii sano ee u dambeeyay.
Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ku muransan deegaanada gobollada Sanaag, Sool, iyo dhulka loo yaqaano Ceyn ama Togdheer Maamulka SSC Khaatumo ayaa doonaya in uu ku fidiyo xukunkiisa deegaanadan, halka Somaliland ay aaminsan tahay in ay ka mid yihiin dhulkeeda.
Maalmihii ugu dambeeyay dhinacyada ayaa isku horfadhiyay deegaanada manta uu dagaalka ka soconayo.
Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Soomaaliland iyo SSC Khaatuma.



