Buula-burde-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ayaa gaaray Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.
Ujeedada booqashada mas’uuliyiintan ee Magaalada Buula-burde ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dil shalay loo geystey mid ka mid ah Ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ee ka howlgala Magaalada Buuloburte.
Dilka Askarigan oo ka dhalisay xiisad Magaalada Buula-burde ayaan jirin illaa iyo hadda cid loo qabtay, waxayna wararka ka imanaya magaalada Buula-burde ay sheegayaan in haatan ay socdaan kulamo albaabada loo xirtey.
Sidoo kale waxaa Magaalada Buula-burde saakay gaaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada.
Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan.


