Tababaraha cusub ee Barcelona Ronald Koeman ayaa kulan gaar ah la yeeshay Lionel Messi ka hor tababarkii ugu horeysay ee uu siiyay xiddiga reer Argentina tan iyo markii laga diiday inuu baxo.
Messi ayaa ku wargeliyay Barcelona bishii la soo dhaafay inuu doonayay inuu baxo, islamarkaana uu ku dhaqangelinayo qodod u ogolaanaya inuu si xor ah ku bixi karo inkastoo kooxda Catalans ay ku dooday in qodobkaas uu dhacay islamarkaana heshiiskiisa lagu burburin karo kaliya 700 euro.
Shalay oo Isniin aheyd, Messi ayaa yimid xarunta tababarka kooxda Ciutat Esportiva si uu u sameeyay tababarkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan, wuxuuna xarunta soo gaaray saacad iyo bar ka hor inta aysan imaanin xiddigaha kale ee kooxda.
Sida ay sheegtay Mundo Deportivo, xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa doonayay inuu tusaale wax ku hogaamiyo oo uu tuso xiddigaha kale ee kooxda inuu weli u heelan yahay kooxda inkastoo uu doonayay inuu baxo.
Ka hor tababarka, Koeman ayaa dhinac u saaray Messi si uu wada sheekeysi kooban u la yeesho, waana kulankoodii ugu horeysay tan iyo markii uu xiddiga reer Argentina ka carooday hadalkii tababaraha reer Holland ee soo dedejiyay go’aankii uu ku gaaray inuu baxo.



