Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Maxkamad lagu soo taagay Hindiya

Tiro Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa Maxkamad waxaa lagu soo taagay dalka Hindiya waxaana lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dacwad oogayaasha ayaa Maxkamad ka hor sheegay in raggaan Maxkamadda lasoo taagay ay soo qabteen Ciidamada Ilaalada badda ee dalka Hindiya.

Xilliga lasoo qabanayay ayaa waxaa la sheegay in ay doonayaan in ay Afduubtaan Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Maxkamadeynta Raggaan oo soconaysa dhowr maalmood ayaa wali xukun lagu ridin.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa waxaa kasoo hormuuqday eedeysanayaal u dhashay dalalka Itoobiya iyo sidoo kale Kenya oo lagu eedeeyay in ay burcadbadeed yihiin.

Dowladda Hindiya ayaa dhawaan sheegtay in ay qabatay burcadbadeed doonayay in ay Afduubtaan Markab ganacsi.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay geystay Afduubyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 5.