Kenya-RisaalaFM- C/raxmaan Cabdi Taakoow oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayaa Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga dalka Kenya waxa ay ku riday 30 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo looga shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada u dusin jiray Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka, wuxuuna tuhmanuhu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay dembiyada lagu soo eedeeyay.
Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen sidoo kale dhowaan in Maxkamad la soo taagi doono dhalinyaro kale oo eedeysanayaal ah, kuwaasi oo galay dambiyo kala duwan, si dambiyadii ay galeen loogu qaado.
Xabsiyada gudaha dalka Kenya ayaa waxaa ku xir-xiran dad badan oo loo haysto inay xiriir dhaw la leeyihiin Kooxaha argagixisada ah ee falalka amnidarada ka geysta dalalka caalamka.
Source:- Daily Nation



