Muuse Biixi oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii Imaaraadka

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa, kan shacbiga  Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbi-weynaha dalkaasi , isagoo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid madaxweynihii dalkaas Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 13/05/2022 geeriyooday.

Madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha geeriyooday ku tilmaamay oday siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay guud ahaan Dunida iyo gaar ahaan Dalalka Carabta, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.