Muudey “Anniga ma aaminsani Dastuurka in uu noqon karo Dastuur sax ah”

Abdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, addresses House of the People and journalists after he was declared winner in the race for the First Deputy of the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament in Mogadishu, Somalia on January 12, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahin Muuday ayaa sheegay in warbixinta Guddiga Dastuurka ee maanta lasoo bandhigay in laga reebay maamulka Somaliland, islamarkaana  inta Somaliland ay maqan tahay uusan noqonkarin Mid saxan.

Muudey ayaa sheegay in Caqabadaha haysta Dastuurka Soomaaliya,  ay ka mid tahay Somaliland in aan lagu xusin warbixinta, islamarkaana wax wada tashi ah aan lala sameynin.

“Anniga ma aaminsani Dastuurka in uu noqon karo Dastuur sax ah inta Somaliland maqan tahay” ayuu yiri Guddoomiye  Muuday.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada Somaliland ayaa si carro leh u sheegay in dastuurka yahay mid ku eg koonfurta Soomaaliya oo kaliya, inta Somaliland maqantahayna uusan noqon doonin Dastuurka sax ah.