Mustaqbalka Maurizio Sarri ee kooxda Chelsea

Maurizio Sarri wuxuu ku jiraa xaalad gaar ah oo uu ku mamulayo kooxda Chelsea, iyadoo haatan kursigiisa Stamford Bridge shaki uu soo galay kadib markii qasaaro xanuun badan ay kasoo gaartay xalay kooxda Man City.

Sarri ayaa heysata waayo aragnimo la yaab leh, laakiin wuxuu u muuqdaa mid qaban kara wadadii Luiz Felipe Scolari iyo Andre Villas-Boas kuwaasoo laga ceyriyay shqada.

Guuldaradii 6-0 ee kasoo gaartay Manchester City – waa guuldaradii ugu weyneyd ee Chelsea ku dhacda tan iyo markii 7-0 ay kaga badiyeen Nottingham Forest bishii Abriil 1991.

Waxa uu qirtay in shaqadiisa markasta ay halis ku jirto” isagoo markii ugu horeysay kooxdiisa ay ku guldareysatay inay gool dhaliso 38 kulan oo ay ciyaareen.

Kooxda Sarri ayaa 10 gool laga dhaliyey labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaaraan meel ka baxsan gurigooda, iyagoo 4-0 qasaaro ah kala kulmnay Bournemouth 30kii Janaayo ka hor inta aysan xalay 6-0 kaga badin kooxda Manchester City.