Musharrax Daahir Geelle oo Muqdisho ka wada kulamo looga hadlayo doorashada

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka, oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Musharrax Daahir Geelle ayaa xalay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimo kale oo la xiriira doorashooyinka.

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sii wadi doona kulamada uu la qaadanayo saamileyda Siyaasadeed ee dalka, kaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.