Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Ee Golaha Shacabka BMarwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.
Ugu horeeyn musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa Salaan iyo Ismarxabaan kadib ugu hambalyeeyay Guushii ay ka gaaratay Kursiga Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.
Waxa siddoo kale ka wada hadleen xaalada Guud ee dalka iyo dardar Galinta Doorashada Madaxweynaha ee lagu balansan yahay in ay dhacdo 15 Bishaan May 2022.



