Muran ka dhex taagan Shiinaha iyo Japan

Xiriirka ka dhaxeeya Japan iyo Shiinaha ayaa xumaaday ka dib markii ay soo baxday khilaaf xoogan oo ka dhashay biyaha badda koonfurta Shiinaha.

Dalka Japan ayaa ugu baaqay shiinaha in ay ka baxdo biyaha badda koonfurta Shiinaha ee uu muranka ka taagan yahay.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in murankani uu sii xumeynayo xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa u yeertay safiirka Shiinaha u fadhiya Tokyo, si ay u muujiso mowqifka Japan uu ka taagan yahay arrinta dhulkaasi la isku haya.

Dowladda Japan ayaa sheegeysa in dhiggeeda Shiinaha ay halkaasi u dirtay in kabadan 200 oo ah doomaha kalluumeysiga iyo maraakiibta ilaalada xeebaha kuwaasi oo qaarkood aad u hubeysan.