Muqdisho: Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo la damiyay

Dabkaani goor dambe oo galabta ah ka kacay Kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka Isgoyska Banaadir kuna dhaw dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyan lagu guuleysatay in la damiyo.

Sawiro laga soo qaaday halka uu dabka qabsaday ayaa waxa ay muujinayaan olol is qabsaday oo sii faafayay iyo uuro cirka qabsatay, waxaana laga cabsi qabay in dabkaasi uu ku fido dhismayaasha ku dhaw dhaw.

Waxaana la arkayay dadweyne isgu sooo xoomay goobta uu dabka ka kacay kuwaasi oo dadaal ku bixinayay daminta dabkaasi, maadama gaadiidka dab damiska ay kasoo daaheyn.

Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdikariin Dhega-juun ayaa gaaray goobtaasi dabka qabsaday waxa uuna warbaahinta kula hadlay isla goobtaasi, waxa uuna sheegay in khasaare nafeed uusan geysan dabkaasi.

“Inkastoo dab demiska soo daahay hadane waxaa lagu guuleystay in dabkaasi uusan sii fidin, waxaana ugu dambeyn ku guuleysanay in dabkaasi aan damino” ayuu sheegay gudoomiyaha degmada Hodan.

Dhawaan ayay aheyd markii dab khasaare hantiyadeed oo xoogan geystay uu ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.