“Muqdisho ammaan kuma haysto”Baashe Yuusuf oo ka hadlay xil ka qaadistiisa

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa mar kale ka horyimid xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Baashe ayaa sheegay in dalka ay ka jirto kalitalisnimo, isaga oo Madaxweynaha ku eedeeyay inuu awoodda dowladda u adeegsanayo qaab ka hor imaanaya sharciga iyo madaxbannaanida garsoorka.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa sidoo kale sheegay inuusan ammaan ku haysan magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha ugu baaqay inuu ciidanka ka qaado xarunta Maxkamadda Sare.

Baashe Yuusuf ayaa hadalkiisa ku yiri:

“Caasimadda dalkayga ammaan kuma haysto, madaxweynihii aan ka sugayey inuu Woqooyi (Somaliland) iyo Koonfur isu keeno waxa Xamar kaga nabadgelaya qof hubaysan. Waxaan kugu la talinayaa inaad dalka u tudho oo talada dhexda dhigto”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo go’aanka Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar, kaas oo lagu sheegay in muddo-xileedkiisa uu dhammaaday, isla markaana dowladda loogu baaqay inay ilaaliso dastuurka iyo madax-bannaanida garsoorka.

Dhanka kale, Baashe Yuusuf ayaa wax laga weydiiyay xiriirka uu la leeyahay dowladaha shisheeye iyo halka uu hadda ku sugan yahay.

“Maxkamada sare in la yiraahdo dal shisheeye ayay u shaqeysaa waxay ceyb ku tahay dowladnimada, handadaad iyo beegsi ayaa lagu hayaa garsoorka”.ayuu ku jawaabay Baashe.

Khilaafka u dhexeeya Baashe Yuusuf iyo Madaxtooyada ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan sharciyadda xil-ka-qaadista iyo cidda xaqa u leh hoggaaminta Maxkamadda Sare.