Real Madrid ayaa qarka u saaran iney xal u hesho saxiixa Eden Hazard madama ay isku diyaarineyso iney dalab ay u aragto mid wanaagsan u gudbin doonto Chelsea xagaagan sida ay qortay jariradda Mundo Deportivo.
Chelsea ma dooneyso iney iska iibiso xidig yaraheeda ugu fiican lehna xirfadda dabiiciga ah ee la aaminsan yahay iney ka sareysiisay qof walba oo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska, balse Real Madrid waxey hindistay qorshe cusub oo ay ugu dhiiraneyso iney Blues ku handado.
Sida warbixinta lagu qoray Zidane wuxuu miiska u saari doonaan Chelsea aduun lacageed aan la shaacin iyo helitaanka weeraryahankooda da’da yar Alvaro Morata kaas oo ay aad ugu baahan tahay Blues madama ay u garatay inuu yahay badalka ugu fiican ee Diego Costa kaas oo isku diyaarinaya qarashaadka Shiinaha.
Si kastaba lama oga hadii Chelsea ay aqbali karto qorshahaan aan wali lagu dhaqaaqi ee ay maleegeyso Real Madrid oo geed walba u fuuli doonta sidii ay ku heli laheyd Eden Hazard oo ay u arkaan badalka ugu macquulsan ee Cristiano Ronaldo kaas oo sii hoobanaya.



