Booliis iyo shaqaalaha gurmadka oo ku sugan goobta uu dhibku ka dhacay ee qashin lagu daadiyo
Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay qashin qub sida buuraha noqday oo dusha ka maray guryo ku yaala duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.
Waxaa kale oo ay sheegeen in wali la la’yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku habsaday dadka Sabtidii, dadka deegeenku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.
Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay.
Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.



