Booliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 13 Mukhalas oo ay ku jiraan Soomaali, waxaana lagu eedeeyay in Tahriibayaasha ay u sii gudbin jireen dalalka kale ee Europe iyo Dalalka Scandinavian-ka.
EURO-JUST oo ah Hay’adda Iskaashiga Garsoorka Europe ayaa waxa ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in baaritaanka ay bilaabeen sanadkii hore kadib, markii 545 Tahriibayaal Soomaali ah laga soo badbaadiyey Badda.
Hay’adda EURO-JUST ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in baaritaano dheeraad ah iyo dabagal buuxa ay ku sameeyeen Telefoonadda Mukhalasiinta, kuwaasi oo Tahriibayaasha u fududeyn jirey in ay Talyaaniga uga sii gudbaan dalalka kale.
Booliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga Howlgalka ay ku soo qab qabteen Mukhalasiintan ayaa waxaa ku jira Maodi C/salaam Khaliif oo heysta Dhalashada Jarmalka balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen ninkan in uu ka shaqeynayay shabakad dadka Tahriibisa, waxaana uu sameyn jiray warqado been abuur ah oo uu dadka ugu sheegayay in ay ku galayaan wadamada Germany, France ama Dalalka Scandinavian-ka.
Ugu dambeyntii Booliska Talyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in ay Howlgallo kale ka wadaan Florence, Brescia, Bergamo iyo Catania, halkaas oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysnayaan shabakado kale oo Tahriibayaasha u sii gudbiya dalalka kale ee Europe.


