Mucaaradka Kenya oo Maanta lagu wado in ay dibadbaxyo dhigaan & booliska oo ka digay.

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay dibadbaxyo ka dhacaan meelo kamid ah dalka kenya, kaas oo ay dhigayaan taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Raila Odinga.

Magaalooyinka Waaweyn ee dalka kenya ayaa waxaa waddooyinka la dhigay Ciidamo farabadna oo ah kuwa rabshadaha ka hortagga halka meelaha qaar Ganacsiga la xiray aysan bannaanbaxyada u saameyn.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka kenya iyo taageerayaashiisa ayaa sheegay inay ka bannaabaxayaan sicir bararka kajira dalka Kenya iyo in Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto uu si sharci darro ah ku joogo Madaxtooyada.

Mucaaradka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay bannaanbaxyada sii dhigi doonaan Maalin walba oo Isniin iyo khamiis ah todobaadkii ilaa wax laga bedelayo siir bararka kajira dalka kenya.