Dhaliyaha Real Madrid Alvaro Morata ayaa usbuucyadii dhawaa si xoogan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqo horyaalka Premier League iyadoo tababaraha Chelsea Antonio Conte uu taageero wayn u yahay xiddiga reer Spain.
Macallinka reer Talyaani ayaa aaminsan in Morata kaa oo ay ka soo wada shaqeeyeen Juventus uu yahay midka ku haboon inuu dhaxlo booska Diego Costa haddii uu xagaaga u dhaqaaqo horyaalka Shiinaha.
Laakiin Arsenal ayaa sidoo kale si dhow ula xirnayd 24-jirka la aaminsan yahay inay ku sii badaneyso jahwareerka nolosha caasimada Spain.
Daily Telegraph ayaa sheegeysa in Morata uu doonayo inuu ka soo tago Real Madrid iyadoo uu xitaa saaxiibadiisa u sheegay inuu filayo inuu ku biiro Chelsea dhammaadka kal ciyaareedkan.
Waxaa la sheegayaa in Morata uu taageero wayn u yahay Conte isla markaana uu doonayo inay markale wada shaqeeyaan kaddib waqtigii wacnaa ay ku soo wada qaateen horyaalka Serie A.
Morata, kaa oo dhaliyay 12-gool 31-kulan uu tartamada dhan ciyaaray xilli ciyaareedkan ayay Real Madrid ku qiimeysay lacago ku dhow 43-milyan oo bound.
Chelsea iyo Arsenal ayaa galabta isku qaban doona gegada Stamford Bridge kulan ka tirsan Premier League.


