Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guuleysatay abaal-marinta xiddiga xilli ciyaareedka 2017-18 ugu fiicnaa horyaalka Premier League oo ay bixiyaan EA SPORTS.
Salah ayaa abaal-marintan ku garaacay kubbad sameeyaha Kooxda Manchester City ee Kevin de Bruyne.
25-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee garoonka Anfield, isagoo dhaliyey 31 gool 35 kulan oo uu u saftay Reds horyaalka Premier League.
Xiddiga xulka qaranka Masar kaasoo Reds kaga soo biiray Roma xagaagii hore ayaa noqday xiddigii ugu goolasha badnaa hal xilli ciyaareed ee kasoo jeeda qaaradda Afrika.
Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo ay sharaf u tahay inuu ku guuleyso abaal-marintan.
Mohamed Salah waxa uu abaal-marintaan kaga adkaaday Kevin De Bruyne, David De Gea, Harry Kane, Raheem Sterling iyo James Tarkowski oo kula tartamayey.
Salah, kaasoo horay ugu guuleystay abaal-marinnada xiddiga ugu fiican sanadka Premier League ee ay bixiyaan Ururka Xirfadleyaasha kubadda cagta (The Professional Footballers’ Association Player of the Year award) & xiddiga ugu fiican sanadka Premier League ee ay Ururka Qorayaasha kubadda cagta (The Football Writers’ Player of the Year award) ayaa Weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane kula tartamayada Kabta dahabka ah ee xiddiga ugu goolasha badan horyaalka Premier League.