Madaxweynaha xiriirka kubadda Argentina ee Claudio Tapia ayaa waxa uu Lionel Messi kula kulmay magaalada Madrid, halkaas oo labada shaqsi iyo Macallinka xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ay isku wada arkeen.
Saddexdooda ayaa usoo daawasho tagay kullankii Bernabeu ka dhacay ee kama dambeysta Copa Libertadores oo ay River Plate Axaddii kaga qaadday Boca Juniors.
Kullankan ayaa waxa uu dhaliyay hadal heyn ku aaddan in Lionel Messi uu kusoo laabanayo u ciyaarista qaranka Argentina oo uusan muddo u ciyaarin.
Scaloni ayaa si rasmi ah shaqada macallinnimo ee Argentina loo magacaabay, ka dib markii uu si ku meel gaar ah u maamulayay xulkan tan iyo is casiliddii Jorge Sampaoli oo fashil kala soo laabtay koobkii adduunka ee ka dhacay Russia.
“Waxaan ka tagayaa Madrid ka dib Superfinal-kii Copa Libertadores, iyoo maalmo shaqo ah ka dib” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Madaxweyne Tapia.
Waxa uu intaas raaciyay “Waan soo gabagabeynayaa sanada iyo qorshayaasha ina hor yaalla. Waan la kulmay Messi iyo Scaloni”.
Captain-ka Barcelona iyo Argentina ayaanan u ciyaarin qaranka Albiceleste tan iyo Koobkii Adduunka ee sanadkan lagu qabtay Russia, waxaase macquul ah inuu kusoo laabto u ciyaarista xulka Copa America oo 2019 lagu qaban doono dalka Brazil.



