Miyuu Antonio Conte Ka Tagi Doonaa Chelsea

Antonio Conte ayaa ku adkeysanaya inuu sii joogi doono Chelsea hadii xitaa uusan helin saxiixyo cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Khamiista.

Iyadoo Chelsea 130 milyan oo ginni kula soo wareegtay Alvaro Morata, Tiemoue Bakayoko iyo Antonio Rudiger tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Conte ayaa u sheegay milkiilaha Blues Roman Abramovich inuu u baahan yahay koox adag oo uu ku difaacdo Premier League xagaagan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Leicester City Danny Drinkwater, xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain iyo weeraryahanka Swansea City Fernando Llorente, ayaa dhamaan bartilmaameed u ah Chelsea.

Laakiin Conte ayaa sheegay inuu sii joogi doona kooxda Chelsea xitaa haddii aan lasoo iibin saxiixyo dheeraad ah maalmaha ka haray suuqa kala iibsiga.

Chelsea ayaa axadii 2-0 kaga badisay kooxda Everton kulan katirsanaa toddobaadka saddexaad ee horyaalka Premier League.

“Waxay fariinteyda kusoctaa taageerayaasha, waxaan gabi ahaanba ugu hambalyeynayaa kooxda sida ay ku bilaabatay,ayuu yiri Conte.