Miyaa la baajin Doonaa Kulanka Chelsea Vs Braighton ?

Kulanka Chelsea & Brighton & Hove Albion ee ku beegnaa 24-ka Bisha February ayaa isna la ogeyn waqtiga la ciyari doono.

Chelsea hadii loo soo hormarin lahaa kulankeeda oo laga dhigi lahaa waqtiga kulanka Man City vs Everton, suuragal maahan maadaama Brighton oo ay la ciyaari laheyd ay isla habeenkaas 6-da Feberaayo la ciyaari doonto West Brom Albion kulan ka tirsan FA Cup.

Sidaas darteed kulankaan wali waqtigiisa lama go’aamin, waxaana la baahiyay in dhamaan jamaahiirta martida ahaan lahaa ee Brighton loo celiyay tikidhadii ay iibsadeen kuna imaan lahaayeen Stamford Bridge.

Xusuusnow Blues waxey 24-ka bishaan la ciyaari doontaa Man City – final-ka Carabao Cup.

Waxaa laga Filayaa In Xiriirka Eng;and Ay Ciyaartaan Jadwalkeeda Dib U Dhigaan Maadaama ay Ciyaarta Finalka Ku Beegan tahay.

Chelsea Waxay Ka Qeyb Galeysaa Ilaa Afar Tartan Tasoo Isbadal Ku Keeni karta Jawalkeeda Ciyaareed ee hore loo Sii Iclaamiyay.