Darawalada kaxeeya gaadiidka dadweynaha gaar ahaan kuwa loo yaqaano Matatuda ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay shaqo joojin, iyaga oo cabasho ah.
Waxa ay sheegeen dadka iskaleh gawaaridaan Basaska ah in aysan xilligaan shaqada sii wadi Karin, sidaas darteedna ay joojinayaan, iyaga oo ka cabanaya shuruudo adag oo ay sheegeen in dawladdu ay horay u soo rogtay balse aan dhaqan galin.
Darawalada ayaa sheegay in dhaqan galinta shuruuda ay maanta bilowday dowladdu ay ku adagtahay, ayna ka codsanayaan in aysan dhaqan galin.
Shuruucda la dhaqan galinayo ee hadda ka cabanayaan waxaa ka mid ah in dhammaan basaska dadwaynuhu ay yeeshaan suuman dadku xirtaan inta ay gaariga saaran yihiin, in la yareeyo xawaaraha ay gaadiidka ku wadaan, iyo in ay yeeshaan calaamad lagu aqoonsado.



