Milateriga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Tigreegu aysan ka bixin gobollada Axmaarada iyo Canfarta balse lagu qasbay inay dib u laabtaan, hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii shalay hogamiyaha ciidamada TPLF uu sheegay in uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay isugu yimaadaan soohdinta gobolka Tigray.
Afhayeen u hadlay kooxda TPLF ayaa qirtay in dagaal yahanadooda ay la kulmeen cadaadis gaar ahaan weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Getachew Reda ayaa sheegay in askarta Itoobiya iyo Eritrea ay isku urursanayeen meel u dhow xuduudka ay la wadaagto Tigrayga, wuxuuna ka digay inay sii huriyaan colaadda.
Waxa uu ku booriyay beesha caalamka in ay ku qanciyaan dowladda iyo taageerayaasheeda in ay raadiyaan xal siyaasadeed. Taageerayaasha dawladda ayaa laga yaabaa inay u arkaan arrintan inay tahay baaq gargaar ah. Balse iyadoo sagaal milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto, waddankuna uu kala go’oy, tani waxay noqon kartaa fursad lagu soo afjaro dagaalka.



