Milatariga Suudaan oo galay qasriga madaxweynaha

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in uu jiro isku day afgambi oo ka dhan ah madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir, ka dib markii warbaahinta dawladdu ay sheegtay in milatarigu uu “baahin doono war muhiim ah”, sida ay ku warranay wakaaladda wararka ee Reuters.

Habeenkii Arbacada dadka mudaaharaadaya ayaa sii waday in ay ku sii nagaadaan bannaanka wasaaradda difaaca ee magaalada caasimadda ah ee Khartuum, waxayna dalbanayaan in madaxweynuhu uu is casilo.

Gaadiidka dagaalka milatariga ayaa galay saldhigga ugu wayn ee ciidamada Suudaan ee ku yaalla magaalada Khartuum, arrintaasi ayaana dhacday saacadihii hore ee saaka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo soo xiganaysa dad goobjoog ahaa.

Dhismahaas oo baaxad wayn ayaa hoy u ah wasaaradda difaaca iyo hoyga uu dagan yahay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.