Midowga Musharaxiinta oo kormeeray daljika Dahsoon oo berri uu ka dhici doono Banaanbax weyn

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow koormeeray  Taalada Daljirka Dahsoon oo berri uu ka dhici doono Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Muddo xileedkii la doortay uu dhamaaday.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale socod kusoo maray Hoteelka Naasa hablood ilaa Taallada , waxana shacabka Muqdisho ay ka dalbeen in ay maalinta berri ay soo xaadiraan banaanbaxa weyn ee looga soo horjeedo dowladda waqtigeedii dhamaaday.

Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhi oo guul weyn u soo hoyn doonta bulshada.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday in ilaaliyo sharciga uuna qabto doorashada loogu wada qanacsan yahay oo ay qeyb yihiin dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.