Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay xoojin doonaan ,islamarkaana ay kordhin doonaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.
War kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay xoogeysteen Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan Muqdisho iyo sidoo kale meelaha kale ee dowladda ay gacanta ku heyso.
Waxa ay tilmaameen in ay muuqto khatarta Al-Shabaab in ay dib u soo noqotay.
Ciidamada AMISOM ayay sheegeen in ay kordhin doonaan howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen in Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen BaledXaawo iyo Buulo Gaduud oo muujinaayaan Awooda Ururkaasi.
Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay Weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday Saldhigyadda Ciidamada dowladda ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.



